Wariye Axmed Xasan Cawke oo Wajaale lagu aasay

Image
Image
Image
Image

17 November, 2015(GO)-Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magalada Wajaale oo dhacda xuduuda Ethopia iyo Somaliland ALLAHA u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke saaka ku geeriyooday magalada Jigjiga xarunta dowladda deegaanka Somalida Ethopia.

Aaska Cawke, waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha ismaamulka Somalida, madaxweyne ku-xigeenka Somaliland xubno ka tirsan golaha wasiirada labada dhinac, siyaasiyiin waxgarad iyo bulsho aad u tiro badan kuwaasi oo ka tacsiyeeyay geerida ku timi marxuum Axmed Xasan.

Madaxweynaha dowladd deegaanka Somalida Ethopia Cabdi Maxamed Cumar, ayaa VOA-da u sheegay inuu ahaa shakhsi u dhaxeeya Somalida oo dhan, wuxuu ku baaqay in la taageero ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa sidoo kale tacsi u diray marxuumka, wuxuuna ALLE uga baryay inuu jannadiisa ka waraabiyo.

Geerida marxuum Cawke ayaa si weyn looga dareemay geyiga Somalida dagto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM