Wariye ku dhintey qaraxa Jazeera, Madaxweynaha DF oo ka hadley

Image

July 26,2015 (GO)- Wariye ka tirsan Universal TV ayaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Ibraahim Okey oo tirsan Universaltv ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay dhimashada Cabdikariin Macallin Aadan oo TV-ga uga soo warami jiray gobolka Gedo. Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay wariye Salmaan Jamaal Siciid oo ka tiraan Universal TV.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa tacsi u direy dadkii ku dhintey qaraxaan isaga oo sheegey inuu ahaa fal fuleymo ah oo ay gaysteen kooxaha argagixisada ah.

“Waxan u tacsiyeynayaa dhamaan dadkii wax ku noqdey falkan argagixisnimo waxaana caafimaad degdeg ah u rajeynayaa dadkii ku dhawacmey weerarkaasi waxashnimada oo aan wax shuqul ah ku lahayn diinteena saliimka ah, waan hubaa inaan argagixisada ka adkaaneyno, marnababa ma dhacayso inay shacabka ka dhigtaan la-haysteyaal”, ayuu yiri Madaxweynaha dowlada Federaalka oo ku sugan magaalada Kismayo

Dhimashada weerarka maanta loo gaystey hotelka Jazeera ayaa wararku sheegayaan iney gaartey labaatan qof halka dhaawac farabadan uu jiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM