Wasaarada arimaha dibada Somalia oo beenisay in shirka IGAD baaqdey

Image

MUQDISHU, Somalia- Waraaq habeenkii xalay lagu shaaciyey baraha bulshada ayaa waxaa ay sheegeysay in shirkii urur  goboleedka IGAD ku qaban lahaa magalaada Muqdishu baaqdey.

Qoraalkaas oo ku sixiixnaa xoghaynta ururka ayaa lagu sheegin sababta balse kulankaas baaqdey.

Baahinta qoraalkaan kadib ayaa wasaarada Arrimaha dibada so dhigtey barteeda Twiter in kulankaas uusan baaqan islamarkaana uu  qabsoomayo.

Qoraalka IGAD ayaa sida uu yahay run noqon lahaa waxaa ay dhabarjab ku ahaan laheyd Madaxeynaha iyo Ra'isal wasaaraha xilku ka dhamaadey kuwasoo ku jira olole doorasho.

Magalaada Muqdisshu ayaa tobankii Cisho ee la soo dhaafey aad loo adkeeyey amaankeeda taasoo cabashooyin ka muujinayeen dadweynaha ku nool magaaladaas.

Garoonka diyaaradaha Muqdishu ayaa waxaa ka socda diyaar garowga soo dhoweynta madaxda urur goboleedka IGAD

GAROWEONLINE 

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM