​Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo ballan-qaad u samaysay dhawacyada qaraxii SYL

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ka socda qorshe loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadii ka dhacay shalay hotel SYL, waxaana iminka lala tacaalayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii loo adeegsaday baabuurka.

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa ballan qaaday inay wax u qaban doonto dadka xaaladoodu liidato, waxayna mahad celin u jeedisay dhaqaatiirtii isku howlay sidii ay bulshada ugu shaqayn lahaayeen gaar ahaan xilliyada dhibaatadu dhacdo.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Somalia Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer), ayaa warbaahinta u sheegay in dadka qaba dhaawacyada culus loo qaadi doono dalka dibadiisa in kastoo uusan sheegin halka la gayn doono.

Madeer ayaa xusay in wasaaraddu dadaal u gali doonto qof kasta oo dhibaato kasoo gaarto qaraxyada ay waddaan mallayshiyaadka Al Shabaab isagoo bulshada ugu baaqay in la taakuleeyo kooda dhibaataysan.

Xaaladda bukaanadda ku waxyeelloobay qaraxaasi ayaa kasoo kabanaya halka kuwa kale arrintooda caafimaad aad u liidato.

Waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore dowladda Somalia ballan qaad u samaysay dad ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdishu kuwaasoo ilaa hadda aysan waxba ka hirgalin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM