Wasiir Diini "xubnaha Al-shabab ka tirsan fursad ayey weli haystaan"

Image

February 15, 2015- Wasiirka Gaashaan-dhigga Dowlada Federaalka Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa baaq u diray dhallinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab.

Diini oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Federaalka, wuxuu ugu baaqey xubnaha Al-shabaab inay nabada qaataan kana faa'iideystaan cafiskii horay Madaxweynuhu ugu fidiyey.

"waxaan dhallinyarada la qalday leeyahay haka qeyb qaateen dib u dhiska dalkooda, oo aysan ka qeyb qaadan bur burinta dalka, markasta waxa ay haystaan fursadda uu horey Madaxweynuhu u siiyay" ayuu yiri.

Dhanka kale, wuxuu fariin u direy ciidamada isagoo ku boorriyey inay shaqadooda sii laban laabaan islamarkaana dadaal badan geliyaan sidii ay ammaanka dalka u sugi lahaayeen ugana hortegi lahaayeen cid kasta oo nabadgelyada wax u dhimi karta.

Cabdiqaadir Sheekh Cali Diino oo horay usoo noqdey taliyaha ciidamada xoogga dalka, dhowaan ayaa loo soo magacaabay Wasiirka Gaashaan-dhigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM