Wasiir ku-xigeenka gaashaan-dhigga DF oo is casiley

Image

February 7, 2015 (GO)- Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) ayaa iska casiley xilkii labo maalmood kahor Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid usoo magacaabay ee ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhigga.

Cabdiraxmaan Dheere oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, wuxuu sheegay in sababta keentay inuu xilkaas iska caliso tahay maadaama markii la magacaabayey aan isaga wax wadatashi ah lagala sameyn xilkuna yahay mid aan lagu saleyn hannaanka awood qaybsiga ee saxda ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in go'aankan uu qaatey kadib markii uu wadatashi ballaaran la sameeyey siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo.

" laygalama tashan mgacaabista la ii magacaabay wasiir ku-xigeenka gaashaan-dhigga Soomaaliya, waana mid khilaafsan hannaanka awood qaybsiga beelaha" ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere oo ah xildhibaan ka tirsan Barlamanka Federaalka, horay ayuu usoo noqdey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga xiligii xukumadii Ra'isal Wasaare Saacid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM