​Wasiir Odowaa oo ka hadlay eedaynta Puntland

Image

MUQDISHU- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odowa", ayaa ka jawaabay eedayn uga timi dowladda Puntland oo sheegtay in dagaalyahannada soo gaaray xeebaha deegaanada maamulkaasi abaabulkeeda ku lug leedahay dowladda dhexe ee Somalia.

Odowaa, ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aad u weyn oo loo baahanyahay in qof ka yiri oo ka fiirsado, wuxuuna sheegay in colaadda ka dhaxaysa kooxda Al-Shabaab iyo dowladda Federalka Somalia qof walba ka warqabo, sidaasi darteed marnaba suuro gal ahayn inay taageero siiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa xusay inay ka warhayeen dhaq-dhaqaaq ay ka wadeen Al-Shabaab degmada Xarar-dheere islamarkaana jareen khadka isgaarsiinta iyagoo doonyo afduubtay, laakiin aysan ka warhayn safarkooda Puntland.

Isagoo la hadlayay laanta Afka Somaliga ee VOA, Odowa ayaa wax laga weydiiyay qorshaha mallayshiyaadkaasi gaaray dhul katirsan dalka Somalia oo mas'uuliyad kasaarantahay dowladda, dhexe wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan dadaal walba oo kooxahaasi dalka looga sifeynayo isagoo tilmaamay in arrintaasi ku suuro gali karto isku duubni.

Wuxuu ammaamay xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland isagoo cadeeyay in kooxahan sidii deegaanada maamulkaasi looga ilaalin lahaa lagu bixiyay juhdi iyo dadaal.

Waxaa sidoo kale uu ka waramay safar uu dhawaan ku gaaray degmada Baladweyne gobolka Hiiran iyo halka uu marayo shirka maamul u samaynta gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, wuxuuna tilmaamay inay wadaan dadaallo tiro badan oo lagu soo afmeerayo tabashooyin ka yimi qaar kamid ah waxgaradka, wuxuuna xusay in arrintaasi u baahantahay karti iyo dhabar adayga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM