Wasiirka amniga dowlada Puntland oo eedeeyn u jeediyey DF

Image

15 August, 2015 (GO)- Wasiirka wasaarada amniga dowlada Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qar-jab" ayaa maanta xafiiskiisa shir jiraa'id uu ku qabtay waxaa uu kaga hadlay xaaladda amaanka Puntland halka ay marayso, isagoona rajo fiican ka muujiyay.

Qarjab ayaa soo hadal qaaday Puntland xuquuqda kaga maqan dowladda Soomaaliya taasoo uu sheegay inaysan helin xuquuqahaas "Waxaa laysku raacay in DFS aysan wax cadaalad ah aysan ka shaqayn, umada Soomaaliyeed-na magaceeda ku qaraabanayso, iyadoona ay dhici karto gobollo aan shuruudaha buuxin dhaqaalaha dalka lagu bixiyo".

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday carqalado uu sheegay inay wadaan maamulada Koonturta dalka ka dhisan isagoona sheegay in laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho taasoo ay ujeedadeeda ku sheegay sidii dadka layskugu diri-lahaa

Wasiirka wasaarada Amniga dowlada Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qar-jab" ayaa ugu danbayntii shacabka reer Puntland ku booriyay inay ka laamaha amaanka kala shaqeeyaan adkaynka amaanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM