Wasiirka arimaha dibada DFS oo ka hadlay rabshadaha Koonfur Afrika

Image

MUQDISHU, April 17, 2015 (GO)- Dowlada Somalia ayaa sheegtey in ay aad ugu walaacsan tahay weerarada lala beegsanayo dadka ajaanibta ah oo Somalida kamid yihiin kuwaasoo loogu gaysanayo dalka Koonfur Africa.

Wasiirka arimaha dibadda Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegey in weeraradaas aad u cambaareynayaan isaga oo xusey in aad uga xun yihiin dhacdooyinka ka dhacaya dalka Koonfur Africa.

Hadliye oo la hadlay idaacada VOA ayaa xusey in dowlada Koonfur Africa ka dalbadeen in dhacdooyinka ka dhacaya wadankaas si deg deg ah wax uga qabato isaga oo xusey in talaabooyinkaan yihiin kuwa bini'aadnimada, diinta iyo Afrikanimada kasoo horjeeda.

Wasiirka ayaa ku sheegey in dadka Somalida ah oo la bartilmaameedsanayo yihiin kuwa shaqeysanaya islamarkaana wax u qabanaya shacabka reer Koonfur Afrika kadib markii adeegyo u geeyeen goobaha fog fog ee dalkaas.

Cabdisalan Hadliye oo la waydiiyey qorshaha dowlada Somalia ee ku aadan dadkaas madaama wadamo Afrika ku dhawaqeen in muwadiniintooda kala baxayaan wadanka Koonfur Afrika ayaa yiri "Hadii dhibaatada sii socoto, waxaan si deg deg u qorsheyneynaa sidii dadka Somalida looga soo daadgureyn lahaa dhulka khatarta ka taagan tahay".

Wasiirka arrimaha dibbada ayaa ugu baaqey dadkaan madaama arrimo gacancsi u tageen dalkaas iney go'aan ka gaaraan sidii naftooda u badbaadin lahaayeen islamarkanaa uga soo baxaan wadankaas isaga oo xusey in guddi isagu madax ka yahay dowlada Somalia u xilsaartey arrimaha ka taagan Koonfur Afrika.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa ka taagna rabshado lagaga soo horjeedo dadka u dhashey wadamada Afrika kuwasoo ganacsi ku leh degaanada fog ee dalkaas gaar ahaan magaalada Durban.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM