Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo la kulmey dhiggiisa UAE

Image

March 25, 2015 (GO)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa magaalada Dubai kula kulmey dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Abdallah bin Zayed al Nahyan.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arimo badan oo ay kamid tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen sidii Dowladda Imaaraadku u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Imaaraadka taageerada joogtada ah ee dadka iyo dowladda Imaaraadku siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Kulanka Wasiirrada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxaa sidoo kale ka qayb galay danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga Imaaraadka Cabdulqaadir Sheekhey Al-Hatimi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM