Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo la kulmey dhiggiisa UAE

Image

March 25, 2015 (GO)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa magaalada Dubai kula kulmey dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Abdallah bin Zayed al Nahyan.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arimo badan oo ay kamid tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen sidii Dowladda Imaaraadku u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Imaaraadka taageerada joogtada ah ee dadka iyo dowladda Imaaraadku siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Kulanka Wasiirrada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxaa sidoo kale ka qayb galay danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga Imaaraadka Cabdulqaadir Sheekhey Al-Hatimi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM