Wasiirka Difaaca D. Federaalka oo booqasho ku tegey Guriceel

Image

March 2, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaarey degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Ujeedada booqashada Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ee Guriceel ayaa salka ku haysa xal u helidda colaad todobaadyadii u dambeeyey degmadaas ka aloosneyd.

Wasiirku wuxuu caawa gudaha Guriceel kulammo kula qaadan doonaa mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka.

Kulammadaas ayaa ah kuwo diiradda lagu saari doono sidii labada dhinac heshiis loo dhex dhigi lahaa islamarkaana looga hortegi lahaa in xaaladdu kasii darto.

Dhanka kale, Wasiir Diini ayaa booqan doona xerada ciidamada dowladdu ku leeyihiin duleedka Guriceel halkaasoo uu kula kulmi doono saraakiisha hoggaamineysa ciidanka.

Dagaallo goos goos ah oo laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore mileeshiyaad taabacsan Ahlu Sunna iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ku dhex marayey degmada Guriceel ayaa waxaa ku geeriyoodey tobannaan qof iyadoo kumannaan qoysna ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM