Wasiirka Gaashaan-dhigga oo booqdey jiidda Buulo-guduud

Image
Image
Image
Image

Kismaayo, May 20, 2015… Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Jubaland, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey jiida hore ee fariisimaha ay dagan yihiin ciidamada ka howlgala aagga Jubbooyinka iyo ciidamada  AMISOM gaar ahan deegaanka Buulo-guduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Kismaayo, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay saraakiisha ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka oo la hadlayay Ciidamadda ayaa yiri: "waxaan arkayaa Ciidamo diyaar u ah difaaca dalkooda Hooyo, kana go’an tahay in ay ka xoreeyaan dalka cadowga kusoo duulay, maanta waxaan halkan u joognaa dhamaanteen gudahasha masuuliyadda ina saaran ee ah difaca dalka, waxaan ku weynay difaacan dhalinyaro iyo dad nagu qaali ahaa, mar walba oo dagaal lagu jira tani oo kale waa dhacaysaa, laakiin isku duubni iyo wadaninimo ayaa looga gudbi karaa" 

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirku wuxuu intaas ku daray "Waxaan sii wadi doonaan taageerada iyo isgarabtaagiina, inagoo og duruufaha adag ee jira, hadana ma niyad jabayno, waxaan doonaynaa dhismaha ciidan qaran oo leh muuqaal iyo astaan qaran, kaasi oo la’aantiis aan qaran meel gaari Karin"

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo la marayo nidaam ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isla markaana ka huffan eex iyo dhinac gooni ah.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM