Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmey waxgaradka Caabudwaaq

Image

April 5, 2015 (GO)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii afaraad howlo shaqo u jooga magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada waqooyiga Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha deegaanka kuwaasoo ka kala yimid deegaanada hoostada Waqooyiga gobolka Galgaduud, wuxuuna  Wasiirku kala hadlay arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladan dhexe iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool goboladan iyo sidii hal maamul oo mideeya dadka loogu wada sameysan lahaa.

 "Dadka ku dhaqan  Gobollada dhexe waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen" ayuu yiri  Wasiirka oo dhanka kale xusay in Dowladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

Odayaasha ayaa gabagabadii u balan qaaday  Wasiirka iyo wafdiga la socda inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka ku dhaqan gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM