Wasiirkii hore ee Kalumeysiga DF oo lagu aasey Muqdisho

Image

MUQDISHU jan 17,2014 [GO]- Alaha u naxariistii Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga dowlada Federaalka islamarkaana ahaa sii hayaha xilka Wasarada  ayaa saaka subaxnimadii ku geeryoodey magaalada Muqdishu.

Wasiirka hore Marxuum Maxamuud Colow Barrow oo lagu aasey maanta duhurkii Muqdisho ayaa waxaa aaskiisa kasoo qayb galey madaxda dowlada Federaalka ee uu hogaaminayeen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiyaha Barlamanka Jawaari.

Marxuum Colow oo dhashey sanadkii 1960 ayaa Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd AHN Cabdulahi Yusuf waxaa uu u magacaabey Danjiraha dalka Indoonisia u fadhiya dalka Somalia.

Colow AHN oo ifka kaga tagey Todobo caruur ah ayaa wararka sheegayaan inuu u dhintey cudurka Sonkorta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM