Wasiirkii Wershedaha Somaliland oo is casiley

Image

March 3, 2015 (GO)- Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur  ayaa shegay inuu xilkaas iska casiley.

Waa mas'uulkii afraad ee is-casila kaddib isku-shaandheyn Feb 28, 2015 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sameeyey golaha wasiirrada, taliska ciidamada iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha hay'adda dowladda hoos taga.

Abiib oo la weydiiyey sababta uu xilka loo soo magacaabey isaga cisiley wuxuu sheegay inuu saluugey qaabka wax u socdaan iyo weliba habka isku-shaandheyntu u dhacdey.

Wuxuu sidoo kale xusey in isku-shaandheyntu ahayn mid si miisaaman looga shaqeeyey islamarkaana u daneynaysa dadka iyo dowladda Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"markaan arkay jewigu sida uu yahay iyo nidaam darrada jirta iyo in wax walba si khaldan u socdaan ayaan go'aankan gaarey" ayuu yiri.

Horay waxaa isu casiley Wasiirkii Maaliyadda, Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo la-taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha dadka la hayb sooco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM