Wasiiro loo saarey mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia

Image

August 21, 2015 (GO)- Kulankii Khamiis lahaa ee golaha wasiirada dowlada federaalka isugu yimaadeen maanta ayaa waxaa lagu saarey guddi ka kooban wasiiro oo talo kasoo bixiya mooshinka dhowaan xildhibanao ka tirsan Barlamanka Somalia madaxweyne Xasan Shiikh.

Warsaxafdeed kasoo baxey kulankaas ayaa lagu sheegey in la isla gartey in la saxo wixii khalad ah ee jira iyadoo guddiyada dhaqaalaha iyo siyaasada ee golaha wasiirada lo xilsaarey in arinkaas ka keenaan warbixin rasmi ah asbuuca soo socda.

Xildhibaano ka kooban 93 ayaa mooshin ka keeney madaxweynaha Somalia xilka looga qaadayo iyadoo lagu soo eedeeyey khiyaamo qaran iyo musuqmaasuq.

Beesha caalamka oo qoraal soo saartey maalintii shaley ayaa dalbatey in xal rasmi ah laga gaaro khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Somalia iyo xildhibaanada dowlada Federaalka iyaga oo xusey in murankaanu waxyeelo ku sameynayo geedi socodka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM