​Wasiirrada Soomaaliya oo kulan isugu yimi

Image

MUQDISHU- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-jiir”, waxaana looga hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo soo bandhigtay qorshaha Bisha Ramadan ee Sugidda Amniga Caasimadda.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Golaha warbixin ka siiyey qorshaha lagu sugayo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan Amniga Caasimadda, iyagoo iska kaashanayaan Ciidamadda Dawladda qeybahooda kala duwan, Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, golaha ayaa boggaadiyey qorshahan waxana ay ku biiriyeen tallooyin lagu kabayo Amniga.

Wasiirradda Caafimaadka ayaa golaha Wasiirada warbixin ka siisay qaabkii ay ula tacaaleen dhaawacyadii weerarkii Hotel Ambassador, waxana uu goluhu ku booriyey Wasaaraddu in ay qaado tallaabooyin deg-deg ah oo gacan lagu siinayo dadka u baahan caafimaadka dibedda ah, iyadoo iskaashi lala sameynayo dawladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixinno kala duwan oo la xiriira Hiigsiga 2016 iyo shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si faah-faahsan uga hadashay waxyaabihii ka soo baxay shirka. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay Markab sida mucaawino loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo hadda taagan Dekadda Muqdisho, waxana ay tilmaamtay in si deg deg ah loo gaarsiin doono bulshada Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM