​Wasiirrada Soomaliya oo shirkooda uga hadlay raashinka WFP

Image
Image
Image

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Cabdillaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo lagu meel-mariyey xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixinta Amniga ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey howlgallada ka socda dalka. 

Wasiirka ayaa xusay in dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka ay sababeen in kooxaha nabadda diidan dhex-dooda ay kala jabeen, iyadoo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey waayeen xubno iyo saraakiil muhiim u ahaa kooxda.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbiyey xubnaha guddiga Saxaafadda Soomaaliya, guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa lagu soo xulay aqoonta ay u leeyihiin saxaafadda iyo shuruucda hagaysa. 

Golaha ayaa dood dheer kadib ansixiyey guddigan, waxana ay soo jeediyeen in qodobada qaar wax ka badel lagu sameeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Odawaa ayaa warbixin ka siiyey Golaha Wasiirada halka uu marayo barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo raashin ay leedahay Hay’adda WFP oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.               

Wuxuuna sheegay in arrintaasi lagu guulaystay sidii loo hakin lahaa islamarkaana lagula xisaabtamayo cid kasta oo raashinkaan dhoofintiisa qayb ka qaadanaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM