Wasiirro xilka laga qaaday dowladda Federaalka Somalia

Image

24 November, 2015(GO)-Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra'isal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa xilal loogu magacaabay wasiirro cusub halka kuwa kale xilkoodii waayeen.

Wasaaradaha arrintani saamaysay, ayaa kala ah; Wasaaradda Ganacsiga iyo Warashada, Wasaaradda Korontada iyo Biyaha dowladda Federalka Somalia..

Cabdiraxmaan Cabdi Cusman, ayaa Ra'isal Wasaare Sharmake u magacaabay wasiirka wasaradda Ganacsiga, halka wasaaradda Korontada iyo Biyaha loo magacaabay Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow).

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa aqbalay magacaabista xubnaha cusub.

Arrintan ayaa timi xilli la fliyay in isku shaandhayn kooban lagu sameeyo golaha wasiirrada Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM