Barlamanka oo ansaxiyey Wasiiradii maamulka Galmudug

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Golaha barlamanka Galmudug ayaa maanta ansixiyay wasiirada uu dhawaan soo magacabey madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariim Xuseen Guuleed kuwaasi oo isug jirey wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiir dawlayaal.

Fadhiga barlamanka oo ay soo xaadiren 69 xildhibaan ayaa 66 oo ka mid ah waxay codkooda siiyeen xukuumadda, halka saddex xildhibaan oo kala ah Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen aysan codkooda dhiiban.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ansixinta kadib hadlay ayaa u mahad-celiayay xildhibaanada siiyay kalsoonida xukuumada uu dhawaan soo magacaabey.

Maamulka Galmudug ayaa tan iyo intii la dhisey waxaa diidan iney aqoonsadaan dowlada Puntland halka Ahlu sunah mamaul kaga dhawaaqdey magaalada Dhuuso Mareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowaan sheegey inuu heshiis la galey Ahlu sunah balse waxaa beeniyey sheegshadaas madaxda ururkaas ee ku sugan magaalada Dhuuso mareeb.

Madxweynaha Somalia oo kaalin weyn ka qaatey dhismaha maamulkaan ayaa horey magaalada Dhuuso mareeb ugu magacaabey magaalo madaxda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo horey wasiir uga ahaan jirey dowlada Xasan Shiikh madaxda ka yahay siyaasad ahaana aad isugu dhow yihiin  ayaa iminka ku shaqeeya magaalada Cadaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM