Weerar dhinaca cirka ah oo lala beegsadey ururka Al-shabaab

Image

MUQDISHU Jan 31, 2015 [GO]- Duqeynta dhinaca cirka oo la beegsadey tuulada Dugule ee ku taal gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wararka sheegayaan in lagu diley 45 ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdiqaadir Shiikh Maxamad Nuur (Siidii) oo wareysi siiyey idaacada BBC laanteeda Af-Somaliga ayaa sheegey in gantaalahaan lala beegsadey Sadex bartilmaameed.

Gantalahaan ayaa gudoomiyaha Shabeelaha hoose waxaa uu xusey in lala eegtey gurri ay daganaayeen dagaalyahniin Ajnabi ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab halka raxan baabuur ah ee kooxdaan la socotey madfac lala beegsadey ku dhinteen 45-60 ka tirsan askartooda.

Ururka Al-shabaab ayaan ka hadlin gantaalahaan lala beegsadey xarumaha ay ka dagaanaayeen tuuladaan.

Gobolka Shabeelaha hosoe degaano ka tirsan ayaa ururka Al-shabaab weli ku dhuumaleystaan kuwaasoo ciidamada dowlada u gaysta weeraro gaadmo ah.

GAROWEONLINE + BBC

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM