​Weerar lagu qaaday Saldhig ku yaal Lego, nabadoon la dilay

Image

LEEGO, Somalia- Koxda Al Shabaab ayaa Hoobiyaal ku weerartay Xalay Saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 Hoobiye lagu tuurey Saldhiga AMISOM ee Leego, kuwaasi oo geestay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la ogayn tirada Khasaaraha.

AMISOM kama aysan hadlin Weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay ku qaadeen Salhigooda Leego, kaasi oo ay deganyihiin ciidamada Burundi.

Bishii June, 2015, ayaa kooxda Al Shabaab weerar ku qaaday, kaasi oo lagu dilay Askar badan oo u dhashay Burundi.

Dhanka kale, Nabadoon caan ah ayaa lagu dilay Tuulada Buulo-Cadeey, oo ku taallo Duleedka Deegaanka Lambar-konton, ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana dilkiisa geestay Koox hubaysan oo aan heebtooda wali la garan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Nuur Xuseen Abuukar ayaa lagu dhex-dilay beertiisa, iyadoo kuwa dilayna ay goobta isaga baxsadeen, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka taagan dagaallo beeleed mudo sanado ah taaganaa, kaasi oo ku salaysan maamulka Gobolkaasi, waxaana dilalka inta badan ka dhaca ay ku salaysan yihiin Aanooyin qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM