Weriye xalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay

Image

November 10, 2014 (GO)- Dhaawac culus ayaa soo gaarey mid kamid ah weriyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho, kadib markii ay xalay ku qaraxday miino loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayey isgoyska km4.

Weriyaha oo lagu magacaabo Nuur Maxamed Cali oo horay uga soo shaqeeyey Radio Kulmiye hadase ka hawlgala hay'ad ka shaqeysa arimaha samafalka wuxuu si xun uga dhaawacmay qaybta hoose ee jirka gaar ahaan lugaha.

Dhaawiciisa waxaa la geeyey isbitaalka Madiina halkaasoo xiligan lagu dabiibay iyadoo  wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in xaaladiisu degen tahay.

Ma ahan markii ugu horeysey ee gaarigiisa qarax loogu xiro mid kamid ah weriyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho, haseyeeshee bilo kahor waxaa qarax noocan oo kale ahaa lagu diley weiye lagu magacaabi jirey Yuusuf Keynaan.

Ciidamada nabad-sugidda ee Dowlada Federaalka ayaa dhowaan la wareegey labo garaash oo la sheegay in lagu diyaarin jirey gawaarida Al-shabaab u adeegsadaan qaraxyada magaalada Muqdisho ka fuliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM