Weriye xalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay

Image

November 10, 2014 (GO)- Dhaawac culus ayaa soo gaarey mid kamid ah weriyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho, kadib markii ay xalay ku qaraxday miino loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayey isgoyska km4.

Weriyaha oo lagu magacaabo Nuur Maxamed Cali oo horay uga soo shaqeeyey Radio Kulmiye hadase ka hawlgala hay'ad ka shaqeysa arimaha samafalka wuxuu si xun uga dhaawacmay qaybta hoose ee jirka gaar ahaan lugaha.

Dhaawiciisa waxaa la geeyey isbitaalka Madiina halkaasoo xiligan lagu dabiibay iyadoo  wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in xaaladiisu degen tahay.

Ma ahan markii ugu horeysey ee gaarigiisa qarax loogu xiro mid kamid ah weriyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho, haseyeeshee bilo kahor waxaa qarax noocan oo kale ahaa lagu diley weiye lagu magacaabi jirey Yuusuf Keynaan.

Ciidamada nabad-sugidda ee Dowlada Federaalka ayaa dhowaan la wareegey labo garaash oo la sheegay in lagu diyaarin jirey gawaarida Al-shabaab u adeegsadaan qaraxyada magaalada Muqdisho ka fuliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM