WHO oo warbixin kasoo saartey xaalada Coronavirus ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Caafimaadka Aduunka faraceeda Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah waxay kasoo saartey xaalada wadanka ee fayruska safmarka ah isla markaana sida fudud u faafa ee Corona.

Mamunur Rahman Malik, madaxa guud ee WHO-Somalia, ayaa daaha ka rogay in dadka laga baaray cudurka ay gaarayaan 31 ruux.

Dheecaanada laga qaadey shaqsiyaadkaas ayuu xusay in lagu soo hubiyey sheybaar yaala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Sidda laga soo xigtay Dr Malik, illaa iyo haatan waxa uu cudurka soo ritay saddex qof oo ku sugan magaaladda Muqdisho.

Warbixintiisa, oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, ayuu shaaca kaga qaadey in 18 kamid dadkaas laga waayey, wallow ay sugayaan natiijadda tobban kale.

Kiisaska la tuhmay

Lix iyo tobban kiis oo laga shakiyey ayuu tilmaamay in la baaray, illaa iyo haatan. Laba kamid ah waxaa lagu karan-tiilay Somaliland. Tani waxay ka duwan tahay sheegashada Hargeysa oo ah saddex.

Todoba kamid ah kiisaska la tuhmay ayuu tilmaamay in lagu baarey Puntland, isagoo intaas ku daray in tirro kale oo uusan cayimin ay haatan ku karan-tiilan yihiin magaala madaxda Muqdisho.

Wallow la gaarsiiyey qalabka ka hortagga, maamul goboleedyadda kale sidda Koonfur Galbeed, Jubaland, HirShabelle iyo Galmudug ma jiraan wax kiisas ah oo laga soo tabiyey.

Kiisaska la xaqiijiyey

Labadii ruux ee u horeysay ee qaadey xanuunka ayaa xaaladoodu wanaagsan tahay, mana jirana astaamo kale oo ka muuqda. Qofka saddexaad oo ajanabi kaasoo xuumad ay hayso wuxuu ku jiraa isbitaalka AMISOM.

"Dhamaan kiisaska lagu xaqiijiyey sheybaarka waxay ku yimaadana socdaal, wali ma hayno kiis gudaha lagu gudbiyey, balse xaalada way isbedeli kartaa mustaqbalka," ayuu raaciyey Malik.

Si looga hortago faafitaan dheeraad ah, xukuumadda ayaa mamnuucay duulimaadya gudaha iyo dibadda. Dadweynaha waxaa lagu waaniyey in ay joogaan guryahooda.

Dhanka kale, mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in xanuunkaas uu gaarey gudaha Puntland. Dowladda waxay soo rogtay bandow habeenkii ah oo saameynaya magaalooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM