​Wufuud gaartay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Wafdi uu hogaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka socoto qaban qaabashada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Xubno  isugu jiray wasiirro, Xildhibaano, Odoyaal dhaqameeda iyo bulshada rayidka ah ayaa tagay magaalaadaasi kuwaasoo doonayay inay goob joog ka noqdaan caleema saarka ugaaska oo lagu wado inay maalinta Barri ah qabsoonto.

Ammaanka degmadaasi ayaa aad  loo adkeeyay waxaana la dareemayaa qaban qaabashada caleema saarka.

Ugaas Xasan ayaa bedelaya walaalkiis Ugaas Cabdiraxmaan oo horaantii bishii Janaayo ee sanadkan ku geeriyooday magaalada Beledweyn, waxaana la sheegay in beesha uu kasoo jeedo isku raacday in kastoo goor sii horraysay warar soo baxay sheegayeen in la boqri doono wiil uu dhalay ugaaska geeriyooday.

Ugaaska la caleema saari doono ayaa kamid ah dadka al fikirka ah duub dhaqameedka kasoo horjeedo qorshaha IGAD ee ah inay la midoobaan Shabeellaha dhexe, waxayna caleema saar kadib guda gali doonaan dhismaha maamul u gooni ah sida uu dhawaan shaaciyay Afhayeenka dub dhaqameedka gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM