​Wufuud gaartay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Wafdi uu hogaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka socoto qaban qaabashada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Xubno  isugu jiray wasiirro, Xildhibaano, Odoyaal dhaqameeda iyo bulshada rayidka ah ayaa tagay magaalaadaasi kuwaasoo doonayay inay goob joog ka noqdaan caleema saarka ugaaska oo lagu wado inay maalinta Barri ah qabsoonto.

Ammaanka degmadaasi ayaa aad  loo adkeeyay waxaana la dareemayaa qaban qaabashada caleema saarka.

Ugaas Xasan ayaa bedelaya walaalkiis Ugaas Cabdiraxmaan oo horaantii bishii Janaayo ee sanadkan ku geeriyooday magaalada Beledweyn, waxaana la sheegay in beesha uu kasoo jeedo isku raacday in kastoo goor sii horraysay warar soo baxay sheegayeen in la boqri doono wiil uu dhalay ugaaska geeriyooday.

Ugaaska la caleema saari doono ayaa kamid ah dadka al fikirka ah duub dhaqameedka kasoo horjeedo qorshaha IGAD ee ah inay la midoobaan Shabeellaha dhexe, waxayna caleema saar kadib guda gali doonaan dhismaha maamul u gooni ah sida uu dhawaan shaaciyay Afhayeenka dub dhaqameedka gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM