​Wufuud ku wajahan Muqdishu

Image

MUQDISHU- Xubno kasocda beesha caalamka iyo golaha ammaanka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaan inay gaaraan caasumadda Somalia, iyagoo ka qayb galaya shir labo maalin soconaya oo looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filayo inay qabsoonto dabayaaqada sannadkan.

Wufuuddan, ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelan doona madaxda ugu sarraysa dalka iyo maamul goboleedyada iyagoo kala hadlaya hirgalinta doorashada iyo hannaankii lagu hishiiyay.

Waxay sidoo kale kulamadooda diiradda kusaari doonaan xaaladda ammaanka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan ururka Shabaab oo dagaal xooggan kula jira dowladda Federalka iyo ciidamada taageera ee AMISOM.

Warar aan ka helayno Villa Somalia, ayaa sheegaya in la qorshaynayo kulan gaar ah oo ay wadaqaadan doonaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha kasocda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna kawada xaajoon doonaan arrinta cunaqabataynta hubka ee shirkii New York Xasan ku codsaday in Somalia laga qaado xayiraadda hubka ee saaran dalka.

Xubnaha ayaa u sii gudbi doona dalalka dariska gaar ahaan Kenya  oo ay la kulmi doonaa hogaanka ugu sarreya, waxaynka kala hadlayaa xaaladda Somalia iyo qaabkii loo taageeri lahaa, iyagoo uga sii gudbi doona dalka Masar oo ka dhici doona kulan ururka Jaamacadda Carrabta.

Socdaalka mas'uulyiinta beesha Caalamka ee Muqdishu, ayaa kusoo aadaysa xilli shalay ay gaareen caasumadda Somalia madaxda maamul goboleedyada.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goobaha muhiimka ah la dhigay ciidamo  aad u hubaysan, waxaana magalada Muqdishu laga dareemaya shirka qaban qaadabadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM