Xaalad adag oo soo wajahdey dadka ka barakacay dagaallada Bakool

Image

March 1, 2015 (GO)- Xaalad nololeed oo adag ayaa lasoo deristey boqollaal qoys oo ka barakacay deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo maalmihii u dambeeyey dagaallo ku dhex marayeen ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Deegaannada dadku sida weyn uga barakaceen waxaa kamid ah tuulada Yeel. Cabdifaaqid Duwane oo ah guddoomiyaha deegaanka Yeel ayaa Radio Garowe u sheegay in  baahiyaha ugu muhiimsan ee xilligan dadku qabaan kamid yihiin: biyaha, cuntada iyo weliba adeegyada caafimaadka.

Dhanka kale, Duwane wuxuu ka codsadey Dowladda Federaalka, dadka Soomaaliyeed iyo hay'addaha Samafalka inay usoo gurmadaan dadka tabaaleysan si gaar ah wuxuu codsi ugu soo direy walaalaha reer Puntland oo 

Dagaal gelinkii hore ee shalay ka dhacay deegaanka Ceelbaar ee isla gobolka Bakool oo dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-shabaab ayaa waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan kow iyo toban qof ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM