Xaaladda Baladweyne oo dagan kadib dagaal khasaaro badan dhaliyay

Image

14 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Baladweynaya ayaa sheegay in xaalku daganyahay isla markaana lawado dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dirir markale dhexmartay beelo shalay ku dagaallamay xaafadda Howl-wadaag ee magaaladaasi.

Waxgaradka deegaanka ayaa wadda dadaalo lagu soo afjarayo colaal dhex taalla beelaha dagaallamay, waxaana la qorshaynayaa in ciidamo lakala dhex dhigo maadaama soo laab-laabteen dirar qorshaysan oo labada dhinac dhexmaray.

Arrintan ayaa timi kadib dagaal xooggan oo shalay kadhacay xarunta gobolka Hiiraan, waxaana la shaaciyay dhimashada 10 ruux iyo dhaawac Soddon kale.

Hubka fudud ayaa labada dhinac isweydaarsadeen, waxaana rasaastu haleeshay dad ku sugnaa meelo ka baxsan halka lagu dagallamay.

Dhowr jeer oo hore xaafadda Howl-wadaag waxaa ka dhacay dagaal labada dhinac dhexmaray, kuwa qarsoodi ah oo la xiriira aanooyin qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM