Xaaladda deegaanka Ceelcadde gobolka Gedo oo laga dayrinayo

Image

18 January, 2016(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceelcadde ayaa sheegaya inay adagtahay nolosha dad kabarakacay dagaal dhexmaray ciidanka Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab.

Goobjooge la hadlay BBC ayaa tilmaamay in gabi ahaanba laga qaxay deegaankasi kadib cabsi laga muujiyay dagaallo iyo duqaymo kadhaca halka lagu weeraray ciidanka Kenya.

Wuxuu xaqiijiyeen in dadkii duurka u qaxay soo foodsaartay nolol xumo iyo macaluul khaas ahaan biyo la'aan isagoo tilmaamay in halka ugu dhow ee biyo ka heli karaan inay qiyaastii u jirto 120KM.

Dadka qaxay ayuu xusay inay ku suganyihiin goobo bannaan, kulaylka Qoraxduna aad u darantahay islamarkaana aysan haysan wax ay ka gabaadsadaan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayuu xaqiijiyay inay dul heehaabayaan hawada deegaanka isagoo sheegay in la arkay firxad katirsan ciidamada Kenya oo u hubaysan kuwaas oo dadka deegaanku kula kulmeen baadiyaha.

Khatarta Shabaab ayuu xusay inay meesha kajirto maadaama iyaguna weli kusuganyihiin nawaaxiga Ceelcadde, wuxuuna cabsi kamuujiyay in waqti kasta la filan karo dagaal labada dhinac dhexmara.Dowladda Somalia weli kama hadlin xaaladda dadkaasi iyo dhibaatada ka taagan.

CeelcaddeJimcihii lasoo dhaafay 15 January, ayaa mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab weerar ismiidaamin loo adeegsaday ku qaaday saldhig millatariga Kenya ku leeyihiin Ceelcadde oo katirsan gobolka Gedo, waxaana weerarkaas lagu dilay tiro aan la xaqiijin oo katirsan ciidanka goobta kusgnaa, balse Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka 63 askari.

Shalay 17 Jan, ayaa ciidamo dhaawac Kenyan ah lageeyay magalada Nairobi, waxaana dowladda waddankaasi wacad ku martay inay ka aarsan doonto Al-Shabaab iyadoo heegan galisay ciidamadeeda ku sugan xadka labada dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM