Xabad joojin la dhex-dhigay beelo ku dagaallamay Baladweyne

Image

15 December, 2015(GO)-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay inay ku guulaysteen xabad joojin lakala dhexdhigo beelo laba maalin ku daagallamay magalada Baladweyne xarunta gobolkaas.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo arrimaha bulshada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa tilmaamay inay hirgali doonto nabad laga abuuro xaafadda Howl-wadaag, wuxuuna sheegay inay tallaabo sharci ka qaadi doonaan ciddii ku xadgudubta dadaallada nabadeed.

Odoyaasha dhaqanka labada dhinac iyo kuwa gobolka Hiiraan, ayuu xusay inay gacan ka gaysteen xallinta colaadda sababtay khasaaro nafeed oo muddo ku soo laab-laabatay magalada. Ciidamada labada mallayshiyo ayuu sheegay in dhakhso loo kala qaadi doono.

In kabadan 50 qof ayaa ku dhaawacantay, 20 kale waan ku dhinteen dagaallo xooggan oo dhexmaray mallayshiyo beeleed ku dagaallamay mid ka mid ah xaafadaha magalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM