Xal la gaaray khilaaf ka taagnaa gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland

Image

08 November, 2015(GO)-Waxaa markii ugu horaysay la shaaciyay xal laga gaaray khilaafka u dhaxeeyay maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gado, kuwaasi oo saluug ka muujinayay doorka laga siiyay maamulkaasi.

Muddo dhan lixdan casho ayaa sii hayaha madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaciil Fartaag ku sugnaa magalada Garbahaaray ee xarunta gobolkaasi, waxaana uu wada xaajood kula jiray mas'uuliyiin, siyaasiyiin iyo bulshada gobolkaasi, iyagoo ka wada hadlayay sidii loo soo afjari lahaa xaaladda ka taagan Gedo.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Bakaal, ayaa sheegay in markii ugu horaysay degmada Garbahaaray laga taagay calanka maamulka Jubbaland.

Bakaal, ayaa sidoo kale xusay in dhawaan magalada Kismayo lagu qaban doono shir lagu soo afjarayo khilaafka mudada taagnaa.

Garbahaaray, waxaa sidoo kale ka socda shirar lagu hormarinayo, magalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM