Xal la gaaray khilaaf ka taagnaa gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland

Image

08 November, 2015(GO)-Waxaa markii ugu horaysay la shaaciyay xal laga gaaray khilaafka u dhaxeeyay maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gado, kuwaasi oo saluug ka muujinayay doorka laga siiyay maamulkaasi.

Muddo dhan lixdan casho ayaa sii hayaha madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaciil Fartaag ku sugnaa magalada Garbahaaray ee xarunta gobolkaasi, waxaana uu wada xaajood kula jiray mas'uuliyiin, siyaasiyiin iyo bulshada gobolkaasi, iyagoo ka wada hadlayay sidii loo soo afjari lahaa xaaladda ka taagan Gedo.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Bakaal, ayaa sheegay in markii ugu horaysay degmada Garbahaaray laga taagay calanka maamulka Jubbaland.

Bakaal, ayaa sidoo kale xusay in dhawaan magalada Kismayo lagu qaban doono shir lagu soo afjarayo khilaafka mudada taagnaa.

Garbahaaray, waxaa sidoo kale ka socda shirar lagu hormarinayo, magalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM