Xarunta dowlada hoose ee degmada Kismaayo oo bam lagu tuuray

Image

November 11, 2014 (GO)-  Bumbo nooca gacanta ah ayaa  saaka lagu tuuray xarunta dowlada hoose ee degmada Kismaayo.

Bamka oo laga soo ridey dhabarka dambe ee xarunta waxaa ku dhaawacmay shan qof oo qaarkood yihiin shaqaale ka tirsan dowlada hoose.

Goobta qaraxu ka dhacay oo ku dhow saldhigga booliska degmada waxaa qaraxa kadib soo gaarey booliska oo halkaas ka sameeyey baaritaan mudo kooban socdey.

Qaraxan ayaa kuso aadaya maalin kadib markii labo qarax oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubaland magaalada Kismaayo ka dhaceen.

Al-shabaab ayaa kordhisey weerarada ay ka geysaneyso magaalada Kismaayo laga soo bilaabo markii ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM bilaabeen hawlgalka balaaran ee Al-shabaab looga sifeynayo Jubbooyinka iyo Gedo.

Shalay kooxdu waxay dib uga baxday jaziiradda Kudhaa oo saddex maalmood kahor ay qabsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM