​Xasan Sheekh "Ha lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ee uu magacaabay.

Xafladda lagu dhaariyey guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday xarunta madaxtooyadda, ayaa waxaa goob joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiir  Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey xafladda dhaarinta ayaa faray dhammaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.Waxaan rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, waxaan ku bogaadinayaa guddoomiyaha cusub inuu wajaho tabashooyinbkaas dadku ay qabaan ” ayuu yiri Madaxweynaha .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey guddoomiyaha cusub, waxuuna u ballan qaaday in dhammaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa howlaha loo egmaday.

Ilaa hadda lama caddayn sababta looga qaaday, waxaase muddooyinkii dambe jiray khilaaf xooggan oo labada mas'uul (Xasan Sheekh iyo Caydiid Ilka-xanaf), ka dhaxeeyay kuwaasi oo ku kala aragti duwanaaday arrimo garsoorka iyo shaqada dowladda la xiriira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM