Xasan Sheekh "kuma farxin is-casilaadda Caasho Geelle Diiriye"

Image

May 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay is-casilaadda guddoomiyihii hore ee guddiga dib u eegsita dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, Marwo Caasho Geelle Diiriye.

Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Federaalka ee Radio Muqdisho, wuxuu sheegay inuu ka xunyahay is-casilaadda Caasho Geelle maadaama ay ahayd qof aqoon iyo waayo aragnimo fiican leh, islamarkaana laf-dhabar u ahayd dadaalka loogu jiro in la gaaro Higsiga 2016.

"aad baan uga xumaadey is-casilaadda Marwo Caasho Geelle. Waa go’aan ay iyadu gaartey, waana xushmeyneynaa go’aankeeda. Waxaan uga mahadcelineynaa dadaalka badan ee ay gelisey abaabulka guddiga iyo bilaabistii hawlaha muhiimka ee guddiga horyaalla" ayuu yiri.

Caasho Geelle Diiriye waxay is-casilaaddeeda ku shaacisey shir-jaraa'id oo ay labo maalmood kahor ku qabatey magaalada Gaalkacayo, waxayna sheegtay inay go'aankan qaadatey kadib markii ay qiimeysey arrimo badan, qodobada ay sida gaarka ah farta ugu fiiqdeyna waxaa ugu muhiimsanaa:

  • In muddada kooban ee hartey aan lagu soo diyaarin karin dastuur dhammeystiran oo raali lagu wada yahay.
  • U heellanaan la'aanta in la helo dastuur qaran oo aan ka hor imaaneyn dastuurrada dowladaha qaybta ka ah federaalka.
  • Inaan mudnaan la siin qorshe fiicanna laga yeelan dhameystirka dastuurka.
  • Xubnaha guddiga dib u eegista dastuurka oo aan shaqada diyaar u ahayn.
  • Faragelin lagu sameeyey shaqada  guddiga.
  • Iyo dhaqaalihii guddigu ku hawlgeli lahaa oo la waayey.

Is-casilaadda Caasho Geelle ayaa kusoo aadeysa xilli waqtiga u harsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyaa gabaabsi yahay, ilaa iyo haddana wax tallaabo ah loo qaadin dhanka dib u eegista dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM