Xasan Sheekh "Madaxweynaha Jubaland lama oran karo hogaamiye"

Image

December 19, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho muddo saacado ah qaadatey ku tegey magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan hogaamiye loogu yeeri doonin Axmed Madoobe balse si rasmi ah loo oran doono Madaxweynaha Jubaland.

Xasan Sheekh oo la weydiiyey ujeedada ka dambeysa arintan wuxuu sheegay in  labada dhinac [Dowlada Federaalka iyo Jubaland] horumar ka sameeyeen qodobadii horay loogu heshiiyey sidaas darteed xilligan ku haboon tahay in qodobada qaar wax laga bedelo.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in sababta arintan ka dambeysaa tahay maadaama madaxda Jubaland dood ka keeneen sababta Shariif Xasan oo hogaamiya maamulka kumeel gaarka ah ee koonfur galbeed loogu yeero madaxweyne, Axmed Madoobana loo oranayo hogaamiye.

October 28, 2014 ayey ahayd markii maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalku magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen heshiis 23 qodob ka koobnaa.

Qodobada heshiiskaasi dhigayey waxaa kamid ahaa in Axmed Maxamed Islaan loogu yeero hoggaamiye iyo weliba in maamulku noqdo mid kumeel gaar ah oo mudadiisu tahay labo sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM