​Xasan Sheekh oo dalbaday in cunaqabtaynta hubka la qaado

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo warbixin dheer siiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo fadhi aan caadi ahayn ka yeeshay xaaladda Somalia, ayaa kusoo hadal qaaday arrimo kala duwan gaar ahaan nabadgalayada iyo hanaanka Federalka.

Xasan Sheekh Maxamud, ayaa sheegay in guulo waaweyn gaartay dowladda uu hogaamiyo  gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxda Shabaab, isagoo xusay inay badi dalka kasifeeyeen hadana qorshuhu yahay in dhammaan Somalia kooxdaasi laga ciribtiro.

Madaxweynuhu wuxuu Qaramada Midoobay ku ammaanay kaalinta siyaasadeed ee ay Somalia ka qaadatay mudadii dowlada la'aantu ka jirtay, isagoo tilmaamay in wali muuqato raadadkii xukun la'aanta dalka Somalia iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay fowdadii bilaabatay wixii ka dambeeyay 1991-dii, wuxuuna codsaday in dowladda Somalia laga taageero sidii ay u hanan lahayd nabadgalyada waddanka.

Wuxuu soo jeediyay in la qaado cunuqabataynta Somalia, isagoo xusay inay muhiim tahay qalabayn loo sameeyay ciidanka difaaca gaar ahaan in laga dhiso dhinacyada tababarka iyo qalabka, isagoo xusay inay wadaan dhismaha ciidan qaran, wuxuu sheegay in labo guuto oo Jubbaland ciidamadeeda katirsan kusoo biireen milateriga Somalia.

Xasan Sheekh oo sii hadlay ayaa carrabka ku dhuftay in 3,000 askari kasocda maamulka Puntland ku biiri doonaan ciidamada qaranka Somalia, wuxuuse arrimahaasi oo dhan ku xiray in Qaramada Midoobay laasho xayiraadii dalka ay saartay 1992.

Hanaanka Federalka ayuu soo hadal qaaday Xasan Sheekh wuxuuna sheegay inuu marayo meel wanaagsan islamarkaana lagu guda jiro sidii loo dhammaytiri lahaa gobollada dhiman gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo sheegay inay dadaal dheer ku bixin doonto dowladdu sidii loo unki lahaa.

Gobolka Banaadir ayuu carrabka ku dhuftay in lagu hishiiyay maqaamkii uu yeelan lahaa.

Hishiiskii dhawaan ka dhacay Muqdishu ayuu tilmaamay inuu horseedayo guulo waaweyn, wuxuuna xusay in madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyadu jeexeen wadadii saxda ahayd ee lagu gaari lahaa dimuqraadiyay iyo 47 sano kadib dalkan uu noqdo Federal.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Somalia jeediyay xilli wali Somalia ka jiro dhibaatooyin badan gaar ahaan dhinaca ammaanka islamarkaana waxyar ka dhimantahay xilligii ay dhici lahay doorashada hogaanka sare iyo labada Aqal ee guurtida iyo Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM