Xasan Sheekh oo guul ku tilmaamay heshiiska DFS iyo PL

Image

October 17, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey heshiiskii saddex maalmood kahor [October 14, 2014) magaalada Garowe ku dhex maray Dowaladda Federaalka iyo Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xasan Shiikh ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi ka dhigan yahay guul weyn oo la gaarey maadaama Puntland qayb weyn ka qaadaneyso geedi socodka la doonayo in lagu dhiso midnimada, qaranimada iyo dimuqraadiyada Soomaaliya.

"waxaan aqoonsannahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo xoojisay islamarkaana dhistay hay’ado awood leh...Puntland wax badan ayey ka geysan kartaa dhisidda Soomaaliya oo awood leh, dimoquraadi ah islamarkaana mideysan" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa dhanka kale sheegay in heshiiskani dhabaha u xaarayo sidii loo dhisi lahaa Gudiga Xuduudaha  Maamullada Federaalka iyo Gudiga Doorashooyinka, labadadaas gudi oo muhiim u ah higsiga 2016.

"todobaadyada soo socda waxan rajeynayaa in horumar laga sameyn doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sameynta gudiga xuduudaha iyo federaalka iyo gudiga doorashooyinka"

Heshiiska Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalku kala saxiixdeen oo ka koobnaa 12 qodob ma ahan kii ugu horeeyey ee labada dhinac wada gaaraan, waxase la filayaa in heshiiskani kuwii hore ka bedelnaan doono maadaama hirgelintiisa loo saaray gudi isku dhaf ah oo si joogto ah ula socon doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM