Xasan Sheekh oo habeenkii labaad ku hoyanaya Balaweyne

Image
Image
Image
Image

22 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigiisa ayaa weli ku sugan magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiraan iyagoo kulamo kala duwan la qaadanaya; Waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah ee ku nool magalada.

Shirar socday ilaa saaka ayaa wararku sheegayaan inay guulo ku soo dhammaadeen, wafdiga ayaa dadka la kulmeen kala hadley qaabkii uga qayb gali lahaayeen shirka maamul u sameynta labada gobol oo dhici doona todobaadka soo socda.

Arrinta kale ee Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay bulshada ayaa ahayd qaabkii looga hortagi lahaa colaad markale ka dhacda caasumadda gobolka Hiiraan, waxaana meel wanaagsan maraysa wadahadal nabadeed oo u dhaxeeyay beelo dhawaan ku dagaallamay degmadaas.

Xaaladda Baladweyne ayaa haatan dagan, waxaana hadal haynta ugu badan tahay shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee gogoshiisa la dhigay degmada Jowhar.

Lama shaacin waqtiga wafdigu laaban doono iyo halka ay wajihi doonaan, balse dowladda Federalka ayaa dadaal xooggan ugu jirtay qaabkii loo dhisi lahaa maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM