Xasan Sheekh oo hambalyo u diray madaxweynaha Jabuti

Image

MUQDISHU-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaasi ka dhacday.

“Walaalkey Madaxweyne Geelle waxan kugu hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoysey doorashadii madaxtinimada ee shalay oo Jimco ah dhacday. Waxay guushan tilmaameysaa kalsoonida shacabkaaga kugu qabo iyo waxqabadkaagii oo horseeday in Djibouti ay horumar ku tallaabsato, dunidana magac ku yeelato,’’Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta Djibouti ee dhinaca dimoqraadiyadda uu yahay kan keenay in doorashooyinka ay si nabad ah ku dhacaan, fursadna la siiyo in waddanku uu horay u sii socdo.

“Waxaan filayaa in adigoo kaashanaya shacabkaaga aad meesha ka sii wadi doonto waxqabadkii aad ummadda u haysey, anigoo rajeynayaa in aad waddanka gaarsiin doonto horumar ka ballaaran kii aad u horay u gaarsiisay 17-kii sanno ee aad talada haysay. Waxaana kuu xaqiijinayaa in Soomaaliya iyo shacabkeeduba ay ku garab taagan yihiin mar kasta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Djibouti ay baal dahab ah kaga jirto taariikhda Soomaaliya, marnabana aanay Soomaaliya iyo shacabkeeda ilaabi doonin taageerada ay Djibouti ka heleen.

Xasan ayaa madaxweynaha Djibouti u rajeeyay in ILLAAHAY la garab galo xilka mar kale loo doortay.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii Afraad loo doortay madaxtinimada waddanka Jabuti.

GAROWEONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM