DAAWO: Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Xasan Shiikh oo hambalyo u direy

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ugaas Xasan [Sawirro]

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaaa hambalyo u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta lagu Caleemo-saaray degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay xarunta madaxtooyada Somalia, ayaa lagu sheegay inuu muhiim u yahay Caleemo-saarka Ugaaska dhaqanka dalka iyo dib u hishiisiinta isagoo ALLE uga baryay in xilka uu qaaday u fududaado.

“Caleema saarka Ugaas Xasan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka iyo dib u heshiisiinta, iyo weliba dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in khibradda iyo waaya aragnimada Ugaaska ay sahli doonto gudashada waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux waxqabadkiisa laga faa’iideysan doono,”Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda Somalia la shaqayn doonto Ugaaska oo ku tilmaamay nin kasoo bixi kara saldanada loo igmaday.

Caleemo-saarka Ugaas Xasan ayaa maanta ka qabsoontay duleedka degmada Jowhar waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan dowladda Federalka kuwaasoo hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaaskan oo noqonaya kii 20-aad ee Saldanada beesha Xawaadle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM