​Xasan Sheekh oo Jowhar gaaray iyo caleemo saar dhacaya

Image

JOWHAR, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa goordhaweyd gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe halkaasoo la filayo inay ka qabsoonto caleemo saarka madaxda maamulkaas.

Wafdiga Xasan Sheekh, ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan maamulkaas, siyaasiyiin, Xildhibaan iyo madaxda katirsan dowladda dhexe ee Federaalka.

Ujeedka safarka Xasan Sheekh, ayaa lagu sheegay inay tahay ka qayb galka caleemo saarka madaxda cusub ee maamulka Hir-Shabeelle.

Xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan Mas'uuliyiin sare oo ka socda maamulada dalka yo Wakiillada Beesha Caalamka u fadhiga Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Beledweyne, ayaa sheegay in uu Bulshada reer Hiiraan kusoo qanciyay inay taageeraan maamulkiis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM