​Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Aqalka hoose

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka billowday Magaalada Cadaado ee Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Doorashooyinkii Aqalka Sare oo magaalada Jowhar ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle shalay si guul ah ugu soo gabagaboobay.

Madaxweynaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyey Madaxda, Xidhibaanada iyo shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle hanaanka dimuqraadiyadda leh ee uu Baarlamaanku u doortay xildhibaanada Aqalka sare u matali lahaa.

“ Waxaan rabaa in aan u hambalyeeyo, Madaxweynaha , Madaxweyne xigeenka, Guddoonka Baarlamaanka, Xildhibanaada iyo dhammaan shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo ku guuleysatay in ay doortaan Aqalka Sare maalinti shalay. Waa tallaabo dhiira-gelin leh in Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo dhowaan curtay inuu doortay xubnahii u matali lahaa Aqalka Sare,” Ayuu yiri Xasan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey hambalyana u diray dowlad maamulka Galmudug oo maanta bilaabay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“ Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa Dowlad Gobolleedka Galmudug oo maanta billowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Baarlmaanka Galmudug iyo dhammaan shacabka Galmudug ,waxaan leeyahay tallaabo muhiim ah ayaad u qaadeen dhanka horumarka dalka” ayuu yiri Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia.

Wuxuu u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey hanaanka ay u socdaan doorashooyinka Aqalka Hoose dowlad Gobolleedyadda, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo horrey u billaabay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale dhambaal tahniyad ah u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed sida habsamida leh ee ay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka federaalka uga socdaan dalka Somalia islamarkaana u rajeeyey in inta ka harsan doorashooyinka in si guul ah Alle ugu soo idleeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM