Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka socda iyo qorshaha Somaliland [Dhagayso]

Image

20 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan  Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in maamulka Somaliland uu ku jiro qorshaha shirka wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda DFS iyo maamullada dalka.

Xasan Shiikh waxaa uu tilmaay in ay wadaan xilligan dadaal Somaliland kaga  qeyb gali karto shirka looga hadlayo mustaqbalka Somalia, isla markaana dowladdu diyaar u tahay xalka umadda.

Xilli uu soo hadal qaaday wadahalkii u dhaxeeyey maamulka Somaliland iyo dowladda Federalka ayuu sheegay arintaasi inay meel fiican mareyso, uuna ku rajo weyn yahay in wax kasta guul ku dhamaadaan.

Soomaaliland ayaa horay u sheegtay inay ka madax banaan tahay Somalia inteeda kale, balse waxaa jiray wada hadallo u dhaxeeyay madaxda dowladda Somalia iyo maamulkaasi oo ka dhacay dalka dibadiisa uusan ka soo bixin war miro dhal ah.

GAROWEONLINE

 

Related Articles