Xasan Sheekh oo la shiray xildhibaanadii mooshinka kasoo horjeedey

Image

December 10, 2014 (GO)- Iyadoo weli Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Maxamuud ku hawlan yahay soo xulista ra'iisul wasaare cusub oo bedela Cabdiweli Sheekh Axmed oo afar maalmood kahor barlamaanku kalsoonida kala noqdey, ayaa waxaa xalay xarunta madaxtooyada Muqdisho ka dhacay kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen Xasan Sheekh iyo xildhibaannadii diidanaa mooshinkii xukuumadda kalsoonida loogala noqdey.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dhowr arimood, waxaase ugu muhiimsanaa soo magacaabista ra'iisul wasaaraha cusub iyo weliba sidii gebi ahaanba meesha looga saari lahaa kala aragti duwanaanta ka dhex jirta xildhibaannada barlamaanka oo iyagu si aad ah isugu khilaafay mooshinkii lagu ridey xukuumadda.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in aayaha dalka laga wada tashado si horumar loo gaaro, sidaas darteed uu tixgelin doono afkaarta iyo talo soo jeedinta 80kii xildhibaan ee iyagu kahor yimid mooshinka maadaama heshiis labo todobaad kahor la gaarey dhigayey in in hay'adaha dowladdu si hagar la'aan ah u wada shaqeeyaan, isu tanaasulaan khilaaf kasta oo jirana wada hadal lagu dhameeyo.

Dhanka kale waxaa Muqdisho ka socda loolan xoogan oo ku aadan soo xulista wasiirka koowaad ee xukuumadda, in ka badan 20 siyaasi oo qaar badan oo xukuumadii Cabdiweli ka tirsanaa ku jiraan ayaa dadaal ugu jira sidii ay Madaxweynaha ugu qancin lahaayeen inuu xilkaas usoo magacaabo.

Warar hordhac oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in ra'iisul wasaaraha cusub lasoo magacaabi doono asbuucan gudihiisa kahor intaan Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayaa u dhoofin dalka Masar oo lagu wado todobaadka soo soca inuu booqasho kooban oo muddo labo maalmood ah qaadan doonta ku tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM