Xasan Sheekh oo mooshinka laga keenay soo dhoweeyey [DHEGEYSO]

Image

August 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo galabta Shir jiraa’id ku qabtay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Mooshinka ay ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa tilmaamay in Xildhibaanada Mooshinka ka keenay  uu u arko kuwo gudanaya waajibaadkooda Shaqo, waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay in laga fiirsado.

“Waxaan ku talinlahaa in laga fiirsado Mooshinka ay xildhibaanada qaar keeneen, mooshinku ma Xuma laakiin waxaa uu dib u dhac ku keeni karaa nidaamka Dowladnimo”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si adag u dhaliilay shakhsiyaad gaar ah oo sida uu sheegay iska leh abaabulka Mooshinka arbacadii gacanta loo geliyay Guddoonka Sare Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxa uu shakhsiyaadkaasi uu ku dhaliilay inay Mooshinkan ka lee yihiin dano gaar ah taasina ay tahay midda keentay inay xilligan karkariyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM