Madaxweynaha dowlada Federaalka oo Muqdisho ka dhoofey

Image

29 Augusto,2015(GO)- Waxaa maanta magaalda Muqdisho ka dhoofey wafdu uu hogaminayo Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdigan ayaa ku wajahan dalka Imaradka Carabta ayaa la sheegey in casumaad ka haystaan madaxda dalka Imraadka Carabta. 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka , xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeenka Madaxweynaha Da'ud Aweys oo Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay hogaamiyaha Dalka Imaaraadka Carabta.

“Madaxweyaha Jamhuuriyadda waxa uu ku wajahanyahay, waxa uu marti qaad rasmi ah ka helay hogaamiyaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Zaid Al-nahyaan oo aad ogtihiin in xiriir wanaagsan oo qoto dheer ay ka wada dhexeeyaan labada dal, Imaaraadka waxa uu ka qeyb qaataa dib u dhiska Soomaaliya” Ayuu yiri Afhayeenka.

Safarka Madaxweynaha DFS ayaa ku soo beegmayo xilli uu jiro mooshin ka dhan ah oo loo gudbiyay guddoonka barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM