Xasan Sheekh oo soo xiray shirka Qurba joogta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa galinkii dambe manta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagusoo gaba gabeeyay shir u socday qurba joogta Somalida ee ku dhaqan daafaha caalaamka kaasoo muddo saddex casho ah kasocday caasumadda Somalia.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka Qurba joogtu ku leeyihiin xasilinta iyo dib u dhiska Somalia, waxaana gunaanadkiisii kazoo qayb galay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia iyo xubno kasocday golayaasha dowladda.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay dalku inuusan u baahneyn qurbo joog faro maran oo dadka gudaha ku wax bartey shaqooyinka ku cariiriya wuxuu soo jeediyay in lala yimaado hal abuur iyo fikrado abuuri karo shaqooyin dadka oo dhan ku wada fillan.

Qurba joogta yeelatay shirka ayaa soo saaray qodobo ay ku sheegeen inuu yahay maxsuulka kazoo baxay kulankooda, waxayna aad u taageereen hormarka ka jira Somalia iyagoo dhinaca kale caddeeyay inay diyaar u yihiin sidii Somalia ula jaan qaadi lahayd waddamada kale ee caalamka.

Khudbad uu xiritaankii shirka ka jeediyay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, wuxuu ku sheegay in shirkan oo muhiim ah lagu soo beegay waqtigiisii isagoo xusay in dalka Somalia marxaladda haatan uu joogo door fiican ka cayaari karaan bulshada ku dhaqan qurbaha isagoo ku ammaan kaalintii ay qaateen waqtigii lagu jiray colaadaha iyo dagaallada sokeeye.

Kulankan ayaa lagusoo beegay xilli muddo kooban ka harsantahay doorashada waddanka Somalia, waxaana socda dadaallo qurba joogto ganacsi iyo shaqooyinba kaga sameysanayaan dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM