Xasan Sheekh: waa lasoo daad gureynayaa qaxootiga ku xanniban Yemen

Image

April 29, 2015 (GO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalku maraakiib iyo diyaarado u diri doonto dalka Yemen, si loo soo daad gureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xanniban dagaallada dalkaas ka soconaya.

Madaxweynaha ayaa warkan sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayey madaxtooyada Garowe, wuxuuna hadalkani kusoo aadayaa saddex maalmood kadib markii ku dhowaad soddon qof oo Soomaali ahi ku dhinteen duqeyn ka dhacdey duleedka magaalada Cadan. 

"Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa sidii dadkaas loogu gurman lahaa oo loo soo qaadi lahaa...dhowaan maraakiib iyo diyaarado ka tegey Soomaaliya ayaan rajeynaynaa inay tagaan Yemen si dadkaas loo soo daad gureeyo" ayuu yiri.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya soo dhoweyneyso qaxootiga Yemeniyiinta ah, haseyeeshee il gaar ah lagu eegi doono amniga maadaama ay suurogal tahay in xubno ka tirsan kooxaha xagjirka ahi ay dadkaas kusoo dhex dhuuntaan.

Isagoo taas sharraxayey wuxuu yiri: "dadka Yamaniyiinta ah waan soo dhoweynaynaa, laakiin mar walba il gaar ah ayaan ku eegeynaa amuuraha amniga...Raali kama nihin Daacish iyo Al-qaacida iyo wax baas oo kale inay dadkaas masaakiinta ah kusoo dhex dhuuntaan"

Kumannaan Soomaali ah ayaa ku nool dalka Yemen, qaar badan oo kamid ah dadkaasi dib ayey dalka ugu soo laabteen iyagoo kasoo degey dekedaha magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera, balse waxaa jira qaar badan oo weli ku xayiran goobaha ay dagaalladu ka socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM