​Xasan Sheekh "Waxaan bixinay daymihii dalka lagu lahaa qaarkood"

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia ee waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan daymihii lagu lahaa dalka iyo waxa xukuumaddiisu ka qabatay.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay xaflad ka dhacday dowladda hoose ee magaalada Xamar, ayaa sheegay inay ku guulaysteen bixintii daymihii lagu lahaa dalka qaybtooda, halka kuwo kale laga cafiyay, sida uu hadalka u dhigay.

"Dowladda Federaalka ah, waxay bixisay qaaraankii nagu aruray dhowr iyo Labaatankii sano ee aan ka maqnayn hay'adaha caalamiga ah ee nalagu lahaa ayaan dib u bixinay, oo ay ku guulaysatay inay bixiso, hadi ay ahaan lahayd IGAD, AU iyo hay'ado kale oo caalami ah, waxaana samaynay intaan daba galnay macaamil ku aadan inaan bixino waxna nalaga cafiyo,"Ayuu Xasan Sheekh.

Mudane Xasan, ayaa sheegay inay maanta ay soo noqotay magicii iyo haykalkii dowladdii dhexe ee Somalia isagoo intaas ku daray inuu magacooda iyo codkooduba shaqaynayo.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu dadaal dheer ku bixisay sidii loo hawl galin lahaa safaaradaha Somalia ku leedahay caalamka, isagoo xusay inay soo celiyeen kuwo badan oo gacanta dowladda ka maqnaa.

"Waxaan dib u dhisnay oo aan habaynay safaaradihii iyo dhulkii ay iibisay dowladii dhexe ee Somalia, kuwii la dhacay ayaa intay dowladdu u dacwootay iyadoo kaashanaysa qurba joogta iyo bulshada Somaliyeed lasoo celiyay, waad ogtihiin taariikhda Safaaradda Nairobi, Brussels, maanta ayagoo qurux badan oo Calanka Somalia ka babanayo ayay taaganyihiin,"Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli Mudane Xasan Sheekh uu u sharaxanyahay Madaxweynaha Somalia mar labaad, waxaana socda loollan uu ku raadinayo in mar kale booskaas kusoo baxo iyadoo dowladdiisa lagu eedayay fadhiidnimo iyo inaysan wax badan ka qaban arrimaha dibadda iyo gadaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM