Xasan Shiiikh oo loogu baaqey inuu Villa Somalia kasoo baxo [ DAAWO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan magalaada Muqdishu isugu yimaadeen qaar ka tirsan musharaxiinta u taagan xilka uga sareeya  Somalia ayaa ugu baaqey in Madaxwyne Xasan Shiikh maalinta berri ah soo baneeyo xarunta Villa Somalia.

Xubnaha kulankaan isugu ayaa waxaa kamid ahaa Ra'isal wasarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh Xasan isagoo hadal uu saxaafada u jeediyey ugu baaqey madaxweyne Xasan Shiikh in xilka maalinta berri ah kaga egyahay islamarkaana tahay talaabo Dastuuri ah inuu baneeyo xafiiska.

" Madaxwynaha waqtiga waa ka dhamaadey mana aan ogin qaab sharciyeed uu ku sii joogi karo, waxaan leenahay Xasan Shiikh way kaa dhamaatey waqtigii dadka Somaliyeed ay ku jaangooyeen Inaad maamusho dalkaan hadda waxaa lamid tahay musharaxiinta kale,  marka kursiga waad ka dageysaa villa Somaliyana dadkey u dhexeysay waad kasoo baxeysaa iyadana" ayuu yiri Rai'sal wasarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh oo la hadlay saaxafada kulankaan kadib.

Ra'isal wasarihii hore ee Somalia oo war-saxafadeedkaan ka hadlaya ayaa sidoo kale ka dalbadey Madaxwyne Xasan Shiikh in baabuurta xabada aan karin shacabka Somalida uu leeyahay iyagana uu ka dagayo.

Kulankaan ayaa Madaxweynaha Somalia kaasoo xilkiisa ku egyahay Sept 10, 2016 laga dalbadey inuusan isku adkeyn kursiga iyagoo uga digey in talabadaas dhibaato keeni karto.

War saxaafadeedkaan ayaa sidoo kale lagu sheegey ineysan jirin sharciyad uu leeyahay kulanka madaxda Dowlada Fedeaalka ah iyo kuwa maamulada Somalia uga socda xarunta Villa Somalia iyagoo ku tilmaamay iney tahay riwaayad xubnahaan dhigayaan.

Hadalka musharaxiinta xilka Madaxweynaha  Somalia ayaa imaanya iyadoo maalinta berri ah xillkii Afarta sano ahaa kaga egtahay Madaxweyne Xasan Shiikh kasoo la doortey 10 Sept, 2012. 

HALKAN KA DAAWO HADALKA RA'ISAL WASAARIHIi HORE EE SOMALIA - Xuquuda video Abdinasir Mohamad

GAROWEONLINE  

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM